Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii Hoteel Naasa hablood 2

29/10/2017 10:07

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in laba maalmood oo uu iska hor imaad ka soconayey hoteelkaas kadib ay soo afjareen dagaalkii halkaasi ka socday. Dowladdu waxay ku andacootay in 5 dagaal yahan oo ka tirsan Alshabaab ay Hoteelka weerar ku qaadeen , mid ka mid ahi inuu is qarxiyey midna ay ciidamada Dowladdu toogasho ku dileen 3 kalena nolol lagu qabtay.

Ma jiraan ilaa iyo hadda rag la soo bandhigay oo muujinaya in ay Alshabaab ka tirsanaayeen wariyeyaashana looma ogolaan in ay gudaha hoteelka galaan, taas oo shaki wayn gelisay warka ay dowladdu sheegtay oo ah qabashada 3 nin. Dad waynaha oo dhego shaki leh ku maqlay hadalkaas ayaa ka cabsi qaba in ay dowladdu soo qabato 3 dhalinyaro kana dhigto in ay yihiin dadkii weerarka gaystay si ay dadweynaha u marin habaabiso sidii ayay marar badan samaysan.

Hoteelka Naasa Hablood ayaa waxaa ku dhintay saraakiil iyo masuuliyiin hore xilal u soo qabtay iyo kuwo kaleba.  Ilaa maanta gelinkii hore rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayey hoteelka gudihiisa oo ay wali ku xayiran yihiin dad aad u farabadan.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com