Weerarkii Al Shabaab Ee Hotelka Nasa Habkood Oo Sababay in Shaqada la Eryo Sanbaloolshe iyo Jeneraal Saacid.

29/10/2017 14:06

adib Kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay Saraakiisha Ugu sarraysa laamaha Ammaanka. 

Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada ka Eryay C/llaahi Max'med Cali Sanbaloolshe oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda iyo Jeneraal Cabdi Xakiim Saacid oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Booliska.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Kheyre ayaa la sheegay in inta badan golaha wasiirrada ay soo jeediyeen in saraakiisha ammaanka isbedel lagu sameeyo kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Hotelka Naasa Hablood2.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in cadaadis dhan walba ah uu la kulmayo Max'med Abuukar Islaaw oo ah wasiirka ammaanka islamarkaana ah Milkiilaha Hoteelkii Xalay la weeraray, lataliyaasha R/wasaaraha ayaa soo jeediyay in wasiirka ammanka shaqada laga eryo maadaama uu ku guuleysan waayay baajinta weerarada kusoo noq noqanaya magaalada caasimadda ah.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com