Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xerada Ciidamada Kenya ee Kulbiyoow

03/06/2017 01:40

Kulbiyoow –Xoogaga Al Shabaab ayaa saqdhexe habeenimada Sabtida Weerar Xoogan  ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyoow oo qiyaas ahaan 60Km u jira Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Weerarkan ayaa ku bilaawday Qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dhuftay ilinka hore ee Xerada Ciidamada Kenya, waxaana xigay Dagaal toos ah oo halkaasi ku dhexmaraya Xoogaga Al Shabaab iyo kuwa Kenya.  Waxaa lagu soo waramayaa in ay maqan tahay isgaarsiinta.

Xubno ka tirsan Xoogaga Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha u galeen Xerada Ciidamada Kenya.  Weli lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerarkan maadaama isgaarsiinta ay ka maqan tahay Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu socdo iska horimaad xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwa Al Shabaab.

Isla xeradaan ayay hadda ka hor Alshabaab ku dileen in kabadan 70 askeri oo keenyaan ah waana weerarkii labaad kani ee ay halkaasi ku qaadaan. 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com