Weerar 5 Gaari Looga Gubay Melleteriga Kenya Oo Ka Dhacay Duleedka Mandheera.

29/08/2017 08:15

Khasaara xooggan ayaa ciidanka Kenya kasoo gaaray weerar qorshaysan oo markale ka dhacay deegaanno hoos yimaad magaalada Mandheera.

Wararka ka imaanaya gobolka gumeysiga Kujira ee NFD ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah oo ka dhacay deegaanka Dhamase lagu burburiyay 5 baabuur oo ay wateen ciidanka Melleteriga Kenya islamarkaana askar badan lagu dilay.

 

Wararka imaanaya deegaanka Dhamase oo taabacsan gobolka gumeysiga ku hoosjira ee NFD ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab  ay weerar qorsheysan ku qaadeen ciidamo ka tirsan Military-ga Kenya oo deegaanadaas ka waday nabaad guurin iyo xaalufin ka dhan ah dhulka Muslimiinta iyagoo jarayay geedaha iyo cowska, kuna andacoonaya in ay waddooyin furanayaan, sidoo kalena baneynayaan dhul ay sheegeen in uu gabaad u yahay  Xarakada Al Shabaab.

 
iyagoo howshaas ku gudajira ayaa barqanimadii hore ee saaka waxaa xoogaga Al Shabaab u suuragashay in ay weerar xooggan ku qaadaan ciidamada Kenyaanka ah ee nabaad guurka ka waday halkaas.
 
Ciidamada Military-ga Kenya ayaa goobta isaga kala firxaday kadib dagaal xoogan oo halkaas ku dhexmaray iyaga iyo Al Shabaab, Waxaana halkaas lagu dilay Taliyihii ciidanka iyo dhowr askari oo kale oo Kenyaati ah.
 
War ay baahishay warbaahinta ku hadasha afka xarakada ayaa lagu yiri " Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyey in weerarka lagu gubay ugu yaraan shan gaari oo saddex ka mid ah ay yihiin Cagaf-Cagaf ay ciidamadu u isticmaalayeen xaalufinta deegaanka, Gaari Beebe ah iyo mid kale oo Xamuul ah ayaa sidoo kale ka mid ahaa gaadiidka lagu burburiyey weerarka".
 
Al Shabaab waxay xaqiijisay in ciidamadeed ay gacanta ku dhigeen gaari dagaal oo ciidamada Kenya ay ka furteen "Saraakiishu waxay sidoo kale noo sheegeen in Mujaahidiintu ay soo ganiimeysteen gaari kale oo uu cadowga kaga cararay goobta" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.
 
Ciidamadii ka bad-baaday weerarka ayaa iyagana ka kala firxaday goobta, Waxaana xoogaga Al Shabaab u suuragashay in si buuxda ay ula wareegaan taliskii ciidanka Kenya, soona qaataan agabkii iyo sahaydii ay isaga carareen cidiamada Kenya.
 
Weerarkan wuxuu ku biirayaa silsilado weeraro ah oo Al Shabaab ka wadaan gobolka NFD kuna beegsanayaan ciidamada military-ga iyo kuwa Police-ka Kenya, balse wuxuu noqonayaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan deegaanadaas lagula beegsado ciidamada Kenya tan iyo markii uu dhacay weerarkii Lafey ee horaantii bishan lagu laayey ciidamada Police-ka Kenya, laguna bururiyey gaadiid dhowr ah.
 
Xarakada Al-Shabaab ayaa horay wacad ugu martay in ay sii wadi doonto howlgalada iyo weerarada ay ka fulineyso dhulalka Muslimiinta ee ku hoosjira gumeysiga dowlada saliibiyadda ah ee Kenya sida NFD iyo gobolada Xeebta.
Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com