Turkiga oo soomaaliya ka furaya saldhigii milateri ee ugu waynaa

09/08/2017 06:19

Xukuumadda Turkiga ayaa shaacisay in ay Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ka furayso saldhigii militari ee ugu waynaa bsiha Setembar, 2017.  Wasiirka Gaashaan dhigga ee soomaaliya ayaa isna hadalkaasi xaqiijiyey. 

Turkigu wuxuu sheegay in saldhiggaas loo adeegsan doono tababarada ciidamada Soomaaliya iyagoo markiiba ay ka soo bixi karto dufcad gaaraysa 1500 oo askari. Tan iyo markii la riday taliskii kaligii taliska 1991 Soomaaliya waxay ku kugnayd fowdo iyo maamul xumo baahsan.

Sidoo kale waxaa dalka Soomaaliya ku sugan hadda ciidamo ka socda dalalka Afrika ugu faqiirsan uguna liita xagga xuquuqda aadanaha kuwaas oo dhibaato badan ku haya shacabka halkii ay ka daafici lahaayeen.   waxaa kale oo ka jira Soomaaliya kooxo hubaysan siiba Alshabaab oo nasasho u diiday xukuumadda jirta.    Dowladda Soomaaliya ayaa ah iyana mid ku fadhisa kursi aanay awoodiisu dhaafsiisnayn caasimadda Soomaaliya.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com