Sir iyo Xaqiiqo: C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Itoobiya

01/09/2017 10:38

 

 

 

 

Itoobiya

 

 

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa qiratay in ay Muqdisho ay u soo gacan gelisay Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Dr. Negeri Lencho Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiy oo la hadlau Laanta Afka Amxaariga ee Idaacada VOA, isagoo xusay in tallaabada ninkaas loogu soo gacan geliyay ay qeyb ka aheyd heshiis u dhaxeeya dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli arrinkaasi kama hadlin, iyada oo kol sii horeysay arrinka ku sheegtay mid xasaasi ah.

Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo waliba Jabhadda ONLF ayaa sida gooni gooni ah u xaqiijiyey in C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo hadda ku jira gacanta Itoobiya aanu ahayn oo kali ah hoggaamiye jabhadda ONLF basle uu sidoo kale ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isagoo ka qaybgalay dagaalkii xabashida lala galay 77.

Wuxuu ku jiray raggii dagaalkaasi 77 ka qayb qaatay isla markaana lahaa waayo aragnimo buuxda oo ciidan taasina waa sababta keentay in ay Itoobiya si gooni ah u danayso in ay gacanta ku soo dhigto.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaarihiisa iyo dhamaanba xukuumadooda ayaa sidaa darteed ku sifoobay dadkii ugu horeeyey ee bilaaba in ay saraakiisha dalka u dhiibaan cadawga soo jireenka ah ee Soomaaliya.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com