Sheekh Abuu Muscab "61 Askari Ayaan ku Dilnay Weerarkii Af-urur Gaadiid Dagaalna Waa Qaniimeysanay".

08/06/2017 10:25

Kadib dagaal culus oo saaka aroortii ka bilaawday duleeka magaalada Boosaaso ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah iyo saldhig melleteri. 

Wararka ka imaanaya gobolka Bari waxay sheegayaan in ciidamo aad u hubeysan oo Katirsan Xarakada SHM ay saaka aroortii weerar xoog kugal ah ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidamada maamulka ‘Puntland’ ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in gabi ahaanba deegaankii lagu dagaallamay ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Mujaahidiinta.

 



Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa idaacadda Andalus u sheegay in dagaalka ay ku dileen 61 Askari islamarkaana ay ku qabsadeen 16 gaari oo 9 kamid ah yihiin gaadiidka dagaalka ee Tikinikada loo yaqaan.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com