Sawirro: Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Lagu Dilay Saraakiil Katirsan Booliska Kenya

24/05/2017 13:59

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan Booliska Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gaarisa ee dhulka Somalida NFD ee gumeysiga kujira.



Wararka ka imaanaya deegaanka Libooya Kenya ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya qarax xooggan lagula helay wadada xiriirisa deegaanada Kulan iyo Libooya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada, war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 5 sarkaal oo katirsan ciidanka Booliska lagu dilay qaraxa.

 



Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay idaacadda Andalus ayaa sheegay in qarax miino ay laheleen kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay duleedka Libooya wuxuuna qaraxu haleelay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen saraakiisha Ciidanka.

"Qarax Mujaahidiintu saraakiil katirsan gaalada Kenya kula beegsadeen deegaan katirsan Gobolka Gaarisa waxaa ku halaagsamay ugu yaraan 5 Sarkaal gaarigii ay la socdeena waa burburay, wixii faah faahin dheeri ahna muslimiinta dib ayaan ugasoo sheegi doonaa” sidaas waxaa yiri Sheekh Abuu Muscab.

Dhinaca kale Sawirro lagu baahiyay baraha internetka waxaa kasoo muuqanayay Meydadka saraakiil Kenyaan ah iyo gaarigii ay wateen oo burburay, iyadoona qaraxu uu baabi’iyay gaariga ay la socdeen saraakiisha ciidanka Booliska.

Waa Khasaarihii ugu xooganaa ee ciidanka Kenya kasoo gaara dagaalka ka socda dhulka gumeysiga kujira ee  waqooyi Bari loo yaqaan tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Cumar Jilacoow ee askarta iyo saraakiisha lagu dilay kaasi oo dhacay bishan May,2017.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com