Qarax Khasaara Dhaliyay isgoyska Zoobe Ee Magaalada Muqdisho.

14/10/2017 22:35

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo maanta ka dhacay isgoyska Zoobe ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.


Qaraxa ayaa la sheegay in uu burburiyay dhismaha Hoteelka Safaari oo kamid ah hoteelada ugu waaweyn magaalada caasimadda ah, Uuro madoow ayaa cirka isku shareeray kadib markii qaraxu haleelay dhismayaal.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu qaraxu ka dhashay, ciidamo katirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan ‘Xasilinta Caasimadda’ ayaa kamid ah dadka ku dhintay qaraxa.

Qaraxan xoogga badan ee jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa banaanka soo dhigaya qorshihii ay xukuumadda Xasan Cali Kheyre ku doonaysay in ay sugto ammaanka caasimadda.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com