Musveni Oo Shuruudo Adag Ku Xiray Ciidamo Dheeri Oo Uganda Ay Usoo Dirto Soomaaliya.

28/10/2017 08:12

Hoggaamiyaha dowlada Uganda Yuweri Museven ayaa dowladda Mareykanka u sheegay in ciidamo dheeri ah uusan udiri Karin Soomaaliya illaa laga aqbalayo dabka uu udiray waxa loogu yeero beesha caalamka ee maalgelinaya AMISOM. 

Museveni ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay dirista 5,000 Askari oo dheeraad ah si ay Soomaaliya ugula dagaallamaan Xarakada Al Shabaab balse marka hore uu ubaahanyahay lacago malaayiin dollar ah oo ciidamadaas mushaar uqaataan bil walba iyo qalab casri ah oo ay ku dagaallamaan.

"Waxaan diyaar u nahay in Soomaaliya aan udirno ciidamo gaaraya 5,000 oo Askari si ay Argagaxisada Shabaab ula dagaallamaan balse waa in beesha caalamka aan ka helno qarash iyo qabal casri ah oo aan dagaallada u adeegsano” ayuu Musereveni ku yiri Donald Yamamoto kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada mareykanka uqaabilsan arrimaha Afrika.

 



Museveni ayaa Mas’uulka mareykanka ah u caddeeyay mowqifkiisa ku saabsan in Nabad laga yagleelo Soomaaliya taasi oo ku dhisan in ciidamo dheeri ah loo diro, Hoggaamiyaha Uganda ayaa umuuqday in dowladaha Afrika ay iska jecelyihiin in lagu maalgeliyo mashruuca Argagaxisada ladirirka Soomaaliya oo aan dhammaad laheyn.

Donald Yamamoto kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykanka ee qaarada Afrika Museveni ugama jawaabin in beesha caalamka ay qarash ku bixinayso ciidamo hor leh oo loo diro Soomaaliya balse Ururka Midowga Yurub oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee ciidamada AMISOM ayaa sanaddii 2016 go'aamiyay in 20% ladhimo mushaaraadka ku baxa ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku duulay.

Melleteriga Uganda ayaa si xun loogu jebiyay dagaallo ka dhacay gobolka Sh/Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM waxaa laga saaray magaalooyin dhowr ah sida Janaale iyo Leego waxayna kusoo koobmeen wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Baraawe.

Dhamaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan dagaalka ugu adag waxay ugalaan sidii ay Sahay isugu gudbin lahaayeen degmooyinka ay xoogga ku joogaan, inkastoo taageero dhanka wardoonka iyo cirka ah ka helayaan dowladda Mareykanka.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com