Magaalada Jigjiga oo bandow lagu soo rogay & cabsi xoogan oo laga dareemayo

29/11/2017 09:44

Warar Qorahay Media goor dhawayd gudaha Ogaadeenya ka soo gaadhaya yaa sheegaya in magaalada Jigjiga ay ka jirto xaalad cusub oo kaliftay in bandow lagu soo rogo sida ay wararjku sheegayaana waxaa suuqa laga rawaxayaa 4 galabnimo, xiligaas wixii ka dambeeya gaadiid magaalada klama bixi karo mana soo gali karo waxaa la sheegayaa in ay Tigreega Jigjiga ku sugan cabsi xoogani soo food saartay sababtaas darteedna xaalad dagdag ah magaalada loo galiyay.

Cabsida cusub ee shaarkiisha gumaysiga ee Jigjiga ku sugan soo wajahday ayaa lagu maneeyay culays xoogan oo ku soo kodhay waxaana magaalada Jigjiga laga hadal hayaa in ay jiraan ciidamo xoogan oo ONLF ah Jigjiga dhinaca bari ka kulaalaya, wararka qaar ayaa sheegaya in ay dhinaac  galbeed magaalada Jigjiga ka kulaalayaan ciidamo Oromia ka soo jeeda shacabkana waxaa lagu amray in ay xaafadahooad xili dheer ku xaroodaan .

Dhinaca kale xaafado Jigjiga kamid ah ayaa haawanaya oo dadkii daganaa ay ka guureen kadib markii ay askarta gumaysiga & kuwa dharaanka u ahi lacago baad ah si joogto ah mudo dheer uga qaadayeen, dadka xaafadahooda ka guuray ayaa si dhuumaal ah u baxay qaarkoodan iyagoo is diyaarinaya ayaa la qwabqabtay oo xabsi la dhigay.

Isku soo wada duuboo kooxda TPLF ayaa wali isu muujinaya in ay Jigjiga awood ku leeyihiina iska dhigaya balse xaalkoodu waa indhooloow meel banaan ayaad fadhidaa waaga ayaana ku baryay. Wixii soo kordha wararka dambe kala soco

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com