Madaxweyne Xaaf Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada Muqdisho

28/10/2017 12:08

X11

 

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xaaf ayaa Muqdisho kaga qeybgalaya shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana shirkaasi horey u balamiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa ku sugan madaxweynaha maamulka K/galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la filayaa iney yimaadaan saacadaha soo aadan madaxda kale ee maamul goboleedyada.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com