Maamulka Farmaajo Oo Dowladda Itoobiya Ugacan Geliyay Sarkaal Sare Oo Katirsanaa Ururka ONLF.

29/08/2017 08:12

Maamulka Farmaajo Oo Dowladda Itoobiya Ugacan Geliyay Sarkaal Sare Oo Katirsanaa Ururka ONLF.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la shaqeysa gumeysiga dalka kusoo duulay ayaa dowladda Itoobiya ugacan gelisay sarkaal sare oo katirsanaa Xoogaga ka halgama dhulka Soomaaligalbeed.

 
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay Itoobiya ugacan gelisay madaxii taliska dhexe ee Ururka ONLF ee dagaalka kula jira taliska Xabashida Itoobiya.
Maanta Barqadii ayay diyaarad ay leedahay Itoobiya waxay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay lagu haayay C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo kamid ahaa madaxda ONLF.

 
Qalbi Dhagax oo laba maalmood ka hor ay ciidamada Nabad Sugidda DF-ka kala baxeen Xabsi kuyaal Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa lageeyay Muqdisho kadibna waxaa loosii gudbiyay saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baydhabo.

Taardhuleed oo ah wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay ciidamada Nabad sugidda DF-ka in ay xoog ku galeen xabsiga Gaalkacyo ayna la baxeen Maxbuus xilligaas baaris ku socotay wuxuuna ku goodiyay in maamulkiisu ka fiirsan doono xiriirka uu laleeyahay DF-ka.

 
ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) loo gudbiyay dhanka magaalada Godeey oo uu kuyaal taliska dhexe ee Sirdoonka Itoobiya.
 
Nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage oo ku magacaaban lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in Qalbi dhagax uu ka kaxeeyay Muqdisho uuna geeyay magaalada Baydhabo isagoo saraakiisha Xabashida Itoobiya ugacan geliyay sarkaalkaasi katirsanaa Ururka ONLF.
 
Tallaabadan ayaa wajiga ka feydaysa wajiga dhabta ah ee Kooxda Farmaajo oo si toos ah ula shaqeynaysa sirdoonka Xabashida Itoobiya, Soomaaliya waxaa kajira maamullo si toos ah u hoostaga dowladda Itoobiya.
 
Sanado ka Hor Kooxaha Mushrikiinta Itoobiya taabacsan ayaa degmada Guriceel ka qabtay sarkaal katirsan Ururka ONLF waxayna ugacan geliyeen ciidamada Xabashida Itoobiya.
 
Xasan Gurguurte ayaa sanaddii lasoo dhaafay ee 2016 booqasho ku tagay magaalada Jigjiga isagoona Itoobiya usharciyeeyay ixtilaalidda dhulka Somaligalbeed ee gumeysiga kujira muddo ku dhow qarni.


 





 

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com