Ma banaantahay in la dhigo xaflado lagu Weynaynayo Mowliidka Nabi Muxamed SCW? Ma sunno baa mase waa Bidco!

30/11/2017 09:20

 

Markuu Nabiga Muxamad galay Madiina CSS, wuxuu la kulmay dadka oo dabaaldegaya markuu waydiiyey sababtana waxay u sheegeen in ay tahay maalin ay sanado badan soo xusi jireen, Nabigu CS wuxuu ku yiri islaamku laba iidood oo kali ah ayuu leeyahay waana Ciidul Fitri iyo Ciidul Adhxa.

Dhinaca kale diintu ma aha mid qofka dooqiisu hoggaamiyo ee diintu waa ku dayasho iyo waddo la isku raacsan yahay oo la qaado. Asxaabtii Nabiga, kuwii la kulmay ee ka danbeeyey iyo culumada waawayn ee Islaamka laguma hayo cid taageertay xafladaha waawayn ee la dhigo Mawliidka.

Sheekh Nuur Macalim C/Raxmaan  oo kamid ah Culimada Rabaaniyiinta ah ayaa si qota dheer uga hadlay bidcada Mowliidka oo mar walba oo lagaaro bisha Rabiicul Awal ay Kooxaha Suufida ka oogaan magaalooyin katirsan caalamka oo Soomaaliya kamid tahay, wuxuu sheekh Nuur sheegay arrintan ay tahay bidco ay bilaabeen kooxo shiico ah oo lagu magacaabi jiray Faadimiyiin oo maamuli jiray Masar iyo wadamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika waa sedax boqol oo sano kadib oo ah quruunta Mufadalada ee Nabiga SCW sheegay.

Mowliidka waa bidco aan sal ku laheyn diinta islaamka Nabiga SCW,asaxaabtiisa iyo Taabiciyiinta midna lagama hayo marka soo ma ahan dhaqan looga dayanayo dhinacyo cadaw ku ah diinta islaamka.

Halkan ka dhageyso Kalimad kooban oo Sheekh Nuur Macalim Uga Hadlayo Xuska Mowliidka MP3

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com