Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii isgoyska Zoobe Oo Sii Kordhay: 276 dhimasho

16/10/2017 09:01

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qarax aad u xooganaa oo shalay ka dhacay galbeedka magaalada Muqdisho. 

ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in dad gaaraya 276 oo qof ay ku dhinteen qaraxa halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ugu daran ayaa ka dhashay dab qabsaday dhismayaal ganacsi iyo gaadiid dadweyne oo xilligii qaraxu dhacayay marayay isgoyska KM5 ee degmada Hodon, sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ah maleeshiyaad katirsan DF-ka gaar ahaan kuwa loo yaqaan ‘Xasilinta Caasimadda’.

Agaasimaha isbitaalka Madiina ayaa warbaahinta u sheegay in dad ka badan 70 qof uu isbitaalkiisu qaabilay halka isbitaallada kale ee gobolka Banaadir la dhigay dhaawacyada boqolaal qof oo dhaawacyo kala duwan qaba.

 



Sidoo kale qarax ayaa waxyeello gaarsiiyay dhismaha safaaradda dowladda Qadar ay ku leedahay magaalada Muqdisho sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qadar, ninka sii wada shaqada safaaradda Qadar ee Soomaaliya ayaa weerarka ku dhaawacmay.

Qaraxii shalay ayaa la sheegay in uu ahaa midkii ugu xooganaa ee Abid ka dhaca magaalada Muqdisho uguna  khasaaraha badnaa wuxuuna geystay burbur ballaaran, illaa iyo haddana majirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa qaraxan.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com