Keenya oo gaari looga gubay dagaal ka dhacay Deegaanka Taabto Ee Gobolka Jubbada Hoose.

28/11/2017 10:15

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen deegaan hoos yimaad degmada Dhoobleey ee ku dhow xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
Dagaallada ayaa bilaawday kadib markii xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Taabto iyo Dhoobley.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in gaari Taaw ah ciidamada Kenya looga gubay weerar dhabagal ah oo loo dhigay wadada xilli ay kasoo amba baxeen degmada Dhoobleey kunasii jeedeen deegaanka Taabto.

Dad xoola dhaqata ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo laysku weydaarsanayay dhulka howdka ah, wararka ayaa intaasi ku daraya in madfac RBG ah lala helay gaari ay wateen ciidamada Kenya kaasi oo ku gubtay wadada.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar khasaara dhaliyay lagu qaado ciidamada gumeysiga Kenya ee duullaanka ku jooga deegaanno iyo degmooyin katirsan Jubbada Hoose iyo Gedo.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com