JWXO oo Bayaan Kasoo Saartay Dhiibitaankii Naftiihure Cabdikariim Sh Muuse.

31/08/2017 04:55

Markii ay taariikhdu ahayd 23ka Agoosto 2017, waxay ciidamada amniga ee maamul goboleedka Galmudug huteel ku yaalla koonfurta magaalada Galkacayo ka qafaasheen halgame C/kariim Sh Muuse, oo ahaa xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO), kaasoo halkaas u joogay arrimo shakhsi ah. Halgame C/kariim Sh Muuse, markii uu labo maalmood oo kaliya u xidhnaa maamul goboleedka Galmudug, waxaa gacan ku-hayntiisa la wareegay cutub ka tirsan ciidanka nabadsugidda dawlada federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo si afduub ah diyaarad ugaga soo qaaday magaalada Kaalkacyo, ka dibna geeyay magaalada Muqdisho.

Halgame C/kariim waxaa lagu xidhay xabsi gaar ah oo ay leeyihiin ciidammada nabadsugidda Soomaaliya NISA, iyadoo loo diiday inay arkaan eheladiisa, waxaana arrintiisa si toos ah ula wareegtay madaxtooyada dowlada Soomaaliya, iyadoo madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Maxamed Farmaajo uu arrintiisa si toos ah ula wareegay.Dowalada Soomaaliya ma ayna sheegin sababta ay u haysatay muwaadinkaas soomaaliyeed, wax dambi ahna kuma ayna soo oogin.

Masuuliyiin soomaaliyeed oo Xildhibaanno ay ku jiraan iyo waxgarad soomaaliyeed ayaa ku dadaalay inay wax ka qabtaan arrinta muwaadinkaas, isla markaana dowlada ka codsaday ama inay dambi ku soo oogto ama ay xorriyadiisa u soo celiso, hase yeeshee dowalada ayaa masuuliyiintaas ula dhaqantay si aan munaasab ahayn, waxayna u diiday inay wax ka ogaadaan arrintiisa oo aad looga walwalsanaa.

C/kariim Sheekh Muuse wuxuu muddooyinkii u dambeeyay oo dhan ku noolaa dalka Soomaaliya, wuxuuna markiisii hore ahaan jiray sargaal ka tirsan ciidammada xooga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku dhaawcmay mid ka mid ah weerarradii ay Itoobiya ku soo qaaday dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Mudug ee hadda laga qafaashay    .

 Intaas waxaa dheer iyadoo ciidammada gumaysiga Itoobiya ay dileen 10 qof  oo  reer Sheekh Muuse ah, oo uu ku jiro walaalkii oo ka waynaa, kuna curyaamay dagaalkii 77dii. Waxaa hadda xabsiyada gumaysiga Itoobiya ku xidhxidhan 19 qof oo kale oo iyaguna reer Sheekh Muuse ah. Xukuumadda Farmaajo ee dadka soomaaliyeed isaga dhigaysay inay ka shaqaynayso danaha soomaaliyeed oo dhan, waxay la soo baxday wajigeedii rasmiga ahaa, waxayna billowday inay gumaysiga Itoobiya ka iibsato muwaadiniin soomaaliyeed oo qaali ah.

Halgame C/kariim Sh. Muuse waxaa gumaysiga loogu gacan galiyay amarka iyo go’aanka madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo. Arrinkanina wuxuu noqday xaajo ugub ah oon horey loo arag, waana markii ugu horraysay ee madaxwayne soomaaliyeed uu bixiyo amar cadowga loogu dhiibayo muwaadin soomaaliyeed oo ku sugan caasimada dalka. In caasimadii Soomaaliyeed ee ahayd hooyga rasmiga ah dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo xuduntii SYL ee astaanta u ahayd midnimada iyo haybadda qaranimada Soomaaliyeed, waxay muujinaysaa arrimaha ay ka midka yihiin;

  • In xukuumadda Farmaajo ay ka leexatay, kuna ballanfurtay hankii iyo rajadii ay barlamaanka iyo shacbiga Soomaaliyeed ka filanhayeen
  • inuu Farmaajo khiyaamay cahdigii lagu dhaariyay ee ahaa inuu dadaal mintid ah u galayo dib u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo soo celiya karaamadii shacbiga Soomaaliyeed
  • Inuu Farmaajo gacantiisa ku qortay taariikh xun oo saamayn taban(negative) oo wayn ku reebi doonta aayihiisa qofeed
  • Inuu ku xadgudbay dastuurka qaranka u yaalla ee lagu dhaariyay, oo laga filayay inuu ilaaliyo kuna dhaqmo
  • Inuu ku dhiirraday ceeb ay isu quudhi waayeen dhalinyarada ka soo jeeda beesha geesiga ah ee degta koonfurta magaalada Gaalkacayo kolka uu go’aamiyay inuu sarkaal Soomaali ah u gacangaliyo cadawga Soomaaliyeed ee soo jireenka ah.

Boogaadin

Waxaan boogaadin iyo mahad ballaadhan u gudbinaynaa:

  • Dhdhamaan dhalinyarda, aqoonyahanka, masuuliyinta iyo guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed ee aad u dhibsaday falka foosha xun ee ay xukuumada Soomaaliyeed ku kacday.
  • Waxaan sidaas oo kale ugu mahadcelinayna masuuliyiinta leh dareenka wadaninimada ah ee ku dadaalay inay si togan wax uga qabtaan arrinka halgame halyeey C/kariim Sh. Muuse.
  • Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa beesha degta koofuta Gaalkacayo, oo ah beel magac iyo meeqaan ku leh taariikhda soomaaliyeed, ayna ka dhasheen halyayo soomaaliyeedoo uu ka mid yahay halgame C/llaahi Ciise, oo ka mid ah halyayadii dhaliyay qarankii u curtay Soomaaliya sannadkii 1960kii, ahaana gudoomiyihii ugu horreeyay ee xisbiga SYL iyo ra’isulwasaarihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaliya, kaasoo horseeday mabaadii’da lagu liibaanay ee saldhig u noqotay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan
  • Waxaan shacbiga geesiga ah ee Soomaalida Ogaadeniya iyo xubnaha mintidka ah ee JWXO ku boorinaynaa inay si geesinimo iyo mintidnimo ah uga hortagaan falalka waxshinnimada ah ee gancan-yarayaasha gumaysigu ay u ku hagradaameenayaan halganka. Waxaan ugu baaqaynaa xubnaha JWXO iyo shacbiga Soomaalida Ogaadeenyaba inay sii kordhiyaan waxqabadkooda halgameed, kagana dhabeeyaan fulinta iyo meelmarinta barnaamijyada iyo qorsheyaasha kala duwan ee halganka loo dejiyay, iyagoo kol walba maanka ku haya inuu nidaamka gumaysiga Tigreegu wadadii burburka cagta saaray, guushuna ay ku dambayn doonto inta kol walba xaqa ku taagan.

Cambaarayn

Waxaan cambaaraynaynaa falka foosha xun ee ay xukuumada Farmaajo ku kacday ee ah inay C/kariim Sh. Muuse cadawga u dhiibtay.

Waxaan cadawga ummada Saoomaaliyeed iyo adeegayaashiisa u sheegaynaa in arrinka Cabdikariim Sh. Muuse u yahay arrin aan sina loo illoobi karin oo jawaata ku haboon laga bixin doono wakhtiga ku haboon.

Waxaan sidoo kale gumaysiga iyo xukuumadda Farmaajo u sheegaynaa in shacbiga Soomaalida Ogaadeenya uu go’aansaday inuu xorriyadiisa u halgamo, una maro waddo kastoo suuragal ah, dambiyada iyo xadgudubyada ay ka galayaana aaanay marna ka waabin doonin himilada uu leeyahay ee ah inuu gaadho madaxbannaani buuxda. Waxaan sidoo kale u sheegaynaa in JWXO ay qadi doonto tallaabo kastoo ay ku difaaci karto xubnaheeda iyo shacbigeeda.

Midnio, mintid, iskutashi ,Guul Allahu Akbar!!

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com