Jeneraal Ismaaciil Danab oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Al Shabaab oo Ka Hadashay.

01/07/2017 08:54

Mas'uul sare oo katirsan ciidanka Melleteriga Dowladda Federaalka ayaa lagu dilay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.



Wararka nagasoo gaaraya Xaafadda Say-biyaano ee degmada Hodon ayaa sheegaya in  sarkaal ka tirsan Ciidanka DF-ka  lagu dilay qarax haleelay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay.

Dad Goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Jeneraal Ismaaciil Danab uu ku dhax dhintay gaarigiisa oo loogu xiray walxaha qarxa, sedax askari oo ilaala u ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay ladhinteen sarkaalka.

 



 Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda dilka Jeneraalka ismaaciil Danab sida lagu baahiyay website-ka rasmiga ah ee idaacadda Andalus  "ilo wareedyo ka mid ah mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in ciidamada Mujaahidiintu ay beegsadeen Sarkaal ka tirsan military-ga kooxda ridada Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Danab" sidaas ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Jeneraal ismaaciil Danab wuxuu kamid ahaa saraakiisha saameynta ku dhax lahaa wasaaradda G/dhigga DF-ka 5-tii sanadood ee lasoo dhaafay wuxuuna bilihii dambe kamid ahaa saraakiil dhowr ah oo Max'med Cabdullaahi Farmaajo u abaabulay in ay majaraha uqabtaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab laguna taageerayo dowladaha Itoobiya iyo Kenya.

Dilka sarkaalkan ayaa imaanaya xilli ay laamaha ammaanka DF-ka ay ku fashilmeen ka hortagga qaraxyada iyo dilalka joogta ka noqday degmooyinka gobolka Banaadir.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com