Jabhadda ONLF Oo Xaqiijisay in Farmaajo iyo Kheyre Ay Itoobiya Ugacan Geliyeen Cabdi Kariim Qalbi Dhagax [Warsaxaafadeed].

31/08/2017 04:40

Warsaxaafadeed ku qornaa luqadda English-ka oo ONLF ay soo saartay ayay ku faah faahisay qaabkii Qalbi dhagax loogu gacan geliyay dowladda gumeysiga Itoobiya, ugu horrayn warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay maleegeen shirqoolkii Sarkaalka loogu gacan geliyay cadowga waxayna ONLF falkaasi ku tilmaamtay mid khiyaano ah.

"Madaxweynaha, iyo R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirka Ethiopia ayaa ka shaqeeyay qorshaha lagu soo qabtay islamarkaana loogu gacan geliyay dowlada Ethiopia Qalbi Dhagax.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay ONLF.

 



Jabhadda waxay beenisay in uu Cabdikarin Sheekh Muuse uu haystay baasaboor Ethiopian ah isla markaana doonayay in uu qaato baasaboor Soomaali ah, Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn Xarakada Alshabaab .

Cabdi Kariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa muddo sedax sanadood ah deganaa magaalada Muqdisho balse maalmo ka hor ayuu u safray magaalada Gaalkacyo ee bartamaha dalka Soomaaliya si halkaas uu ugasoo kaxeeyo wiil xanuunsan oo uu adeer u ahaa.

Qorshaha Itoobiya loogu gacan geliyay sarkaalkan katirsanaa ONLF ayaa ahaa mid isku xiran oo ay kasoo wada shaqeeyeen mas’uuliyiinta ugu sarraysa Dowlada Federaalka si ay Itoobiya ugu raalli geliyaan "Qalbi Dhagax Dhiibistiisa Waxaa Lagu Raadsanaayay Taageero Siyaasadeed Oo Ethiopia Ay Siiso Xukuumada Farmaajo” ONLF.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ayaa si toos ah madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka ugu eedeeyay in qorshahan ay iyagu maleegeen waxaana lamagac dhabaxay Farmaajo,Kheyre iyo taliyaha ugu sarreeya sirdoonka taasi oo ka dhigan in dhammaan mas’uuliyiin ku sheegyadan ay geed fadhi uyihiin cadowga umadda soomaaliyeed ee Itoobiya.

 

"Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo,Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre,la taliyaha ammaanka Madaxweynaha Gen. Bashir Mohamed Jamac-Goobe,taliyaha NISA Abdullahi Mohamed Ali "Sanbalolshe” waxa ay ka galeen dambi ah qayaano qaran.”ayaa lagu yiri qoraalkan ay soo saareen jabhada ONLF.

Ficilkan ay ku dhaqaaqeen madaxda dowladda Federaalka ayaa noqonay markii ugu horraysay oo dad sheeganaya in ay madax u yihiin Soomaaliya ay muwaadiniin soomaaliyeed si toos ah ugu gacan geliyaan xabashida Itoobiya.

 

Ururka ONLF ee ka dagaallama gudaha dhulka Somaligalbeed ee itoobiya gumeysato ayaa markii ugu horraysay ka hadlay gacan gelintii dowladda Federaalka Soomaaliya ay Itoobiya ugacan gelisay Cabdi Kariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa mas'uuliyiinta Ururka.

 

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com