Jabhadda ONLF oo bayaan ka soo saartay go'aankii kasoo baxay Baarlamaanka soo maaliya ee dhiibistii Qalbi Fhagax

19/11/2017 07:33

 

ONLF

Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda FederaalkaSoomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka JWXO(ONLF).

Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay:
In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla oo dhan, In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay si niyad-sami ah u soo dhawaynaysaa go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna aaminsan tahay inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta.

Iyadoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaysa, waxay JWXO (ONLF) u mahad celinaysaa xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baadhay daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baadhista ka soo baxday. Waxay sidoo kale u mahad naqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo isaguna si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyay gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax).

ONLF waxay ka doonaysaa Dawladda Soomaaliya inay sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax).

ONLF waxay u halgamaysaa xaqa ayaa-ka-talinta shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxayna diyaar u tahay in qaddiyaddan si nabadgalyo ah lagu xaliyo.

Mindnimo, Mintid, Isku-tashi iyo Guul

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com