Imaaraadka oo lagu eedeeyay in uu carqaladeynayo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

19/11/2017 12:30

Axad, November, 19. 2017 - Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay islamarkaana carqalad ku tahay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci daro hub uga iibisay ama ugu geysay qaar ka mid ah maamulada dalka ka dhisan, taasina ay dhaawac ku tahay cunaqabeynta hubka ee saaraan Soomaaliya

Kooxda dabagalka u qaabilsan Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay hayaan cadeymo ku saabsan hubka ay dowladda Imaaraadka ay siisay hub qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee dhinaca hubka ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Burcad badeedda Soomaaliya sidoo kalena dhibaato weyn ku tahay halganka loogu jiro xasilooni soo celinta Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Markab ay leeyihiin ciidamada Midowga Yurub uu gacanta ku dhigay Markab laga soo raray dalka Imaaraadka oo ku socday Soomaaliya.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu sharci daro uu yahay saldhigga dowladda Imaaraadka ee Berbera, islamarkaana uu khatar ku yahay ammaanka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com