Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo goor dhaw lagu dhawaaqay

30/11/2017 09:16

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhowaaqay gole wasiir oo ka kooban 57 xubnood. Golaha wasiirada cusub waxaa ka dhax muuqday xubno horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray.

Golaha Wasiirada ayaa waxa ay ka kooban yhiin 20 wasiir 20 wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru dowle.

Wasaarradaha la soo dhisay, ayaa waxaa ka maqan, Wasaarrada Haweenka iyo  Horumarinta Xuquqda  Aadanaha

Hirshabeelle oo ah maamul goboleedkii ugu danbeeyay ee la dhiso, islamarkaana uu dhaqaalihiisu aad u liito

Isla markii lagu dhawaaqay magacyada xubnaha goalaha wasiirada ayaa waxaa iscisilay Md. Ismaaciil Maxamed Culusow oo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarrada Boostada iyo Isgaarsiinta.

Maxamed Cabdi Waare ayaa 16 Sebtember, 2017, loo doortay madaxweynhii labaad ee maamul goboleedka Hirshabeelle.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com