Farmaajo oo qirtay inuu ka dambeeyey weerar lagu xasuuqay dad rayid ah oo degan jilib

18/08/2017 07:48

Akhri  Magacyada Dadkii Lagu Xasuuqay Weerarkii Mareykanka ee Jilib+Sawirro (WARBIXIN) vtem news showvtem news show

Tuulada Axmed Yare oo qiyaas ahaantii 15km koonfur-bari kaga beegan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa xalay goobjoog u noqotay xasuuqii ugu foosha xumaa ee Mareykanka uu ka geysto Soomaaliya tan iyo markii hogaanka wadankaAS uu la wareegay Donald Trump, Aag-dagaalna kaga dhawaaqay koonfurta Soomaaliya.

Weerarkan bahalnimo ayaa lagu xasuuqay ugu yaraan 7 ruux oo hal qoys ka soo wadajeeda, Waxaana sidoo kale lagu burburiyey dhismihii ay tuulada ka daganaayeen. Weerarka wuxuu dhacay xilli saqdhexe ah oo qoysku wada hurdayey.

Mas’uuliyadda gummaadkan waxaan sheegtay taliska ciidamada Military-ga Mareykanka ee Africa ee loo yaqaano AFRICOM kuwaas oo warsaxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen ku sheegay in saddex weerar oo duqeyn ah oo "la hubo” in ay ka fuliyeen duleedka Jilib, Kuna dileen ugu yaraan 7 dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta ee DFS ayaa isna lagu sheegay in weerarkaas uu ansixiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha DFS, Islamarkaana saaxiibadooda Mareykanka ay kala qeyb qaateen gummaadkaasi. Waxay iyagana sheegeen in 7 dagaalyahan oo ka tirsan mintidiinta in lagu dilay weerarkaas waa sida ay hadalka u dhigeene.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com