Farmaajo oo Booqashadii 9-aad Ee Uu Dibadda Ku Aado Ku Tagay Wadanka Jabuuti.

24/05/2017 14:02

Max'med Cabdullaahi Farmaajo Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray wadanka Jabuuti oo ay ka jirto xukuumad dabadhilif u ah dowladaha reer galbeedka.



Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa Farmaajo kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, socdaalka Farmaajo oo ah midkii 9-aad ee uu dibadda ku aado tan iyo markii madaxweyne loo doortay ayaa salka ku haaya ka qeyb galka munaasabad lagu furayo Dekad cusub.

Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Geelle iy Farmaajo ayay uga hadleen duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya, Farmaajo ayaa Ismaaciil Cumar Geelle uga mahad celiyay kumanaanka askari ee uu uga qeyb qaatay duullaanka Soomaaliya.

 



Afhayeen u hadlay madaxtooyada Jabuuti ayaa warbaahinta u sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin  iyo Arrimo kale.

Waa Socdaalkii sedaxaad ee Hoggaamiyaha DF-ka uu ku tago wadamada dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo kumanaan katirsan ciidamadoodu ay qabsadeen dalka Soomaaliya iyagoo wakiillo ka ah dowladaha reer galbeedka.

Farmaajo ayaa horay u booqday magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi isagoo halkaasi kula kalumay madaxweynayaasha Itoobiya iyo Kenyan wuxuuna ka codsaday in ciidamadoodu aysan isaga bixin Soomaaliya.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com