Dowladda Mareykanka oo Xaqiijisay in 69 Dhalinyaro Soomaali Ah Dib Ugu Celisay Muqdisho.

13/05/2017 11:02

Tobaneeyo dhalinyara Soomaali ah oo lagasoo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa lagasoo dajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho. 

69 qof oo badankood qaab Tahriib ah ku galay wadanka Mareykanka sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay ayaa laga dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho sida ay xaqiijiyeen saraakiisha garoonka.

Hanad Axmed oo kamid ah dhalinyarada Mareykanka lagasoo celiyay ayaa SomaliMeMo u sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmeen xabsiyada Mareykanka.

Wuxuu sheegay in laamaha socdaalka USA ay si xun ula dhaqmeen islamarkaana iyagoo gacmaha ka xiran lasoo marsiiyay waddamo kala duwan sida Senegal iyo Kenya.

 



Dadka lasoo tarxiilay qaarkood muddo ka badan 10 sanadood ayay wadanka Mareykanka kunoolaayeen waxaana lagala laabtay dhalashooyinkii ay wadanka ku deganaayeen, inta badan dadka lasoo tarxiilay ayaa gudaha Mareykanka ku galay qaab tahriib ah iyagoo safarro dhib badan ku maray wadamo katirsan qaaradaha Afrika iyo Laatiin Ameerika.

Dhinaca kale  Qoraal kasoo baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu xaqiijiyey celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo laga kala dejiyey Nairobi iyo Muqdisho.

Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa wacad ku martay in ay dib ucelin doonto dhammaan dadka soo galootiga ah ee aan sharciga laheyn iyo kuwa dambiyada galay.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com