Dowlad goboleedka Galmudug iyo Ahlusuna oo heshiis wada gaaray

01/12/2017 13:13

Sida uu sheegay Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) waxay Galmudug iyo Ahlu Sunna ay is faham ka gaareen wada hadalada uga soconaya dalka Jabuuti.


Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay isu afgarteen dhawr qodob, kuwaa oo sida uu sheegay dhawaan la soo bandhigi doono.

Qodobada ay isku afgarteen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah.
1:- In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug
2:- In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug
3:- In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug
4:- In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com