Diyaaraha maraykanka oo sadex oo oo shacab ah ku dhaawacay Jubada hoose

01/12/2017 13:15

Sadex qof oo ay ka mid tahay haweeney da’ah ayaa dhaawacmay kadib markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay ku duqeeyeen Deqmada Afmadoow ee Gobolka Jubada Hoose.

Diyaaraha ayaa duqeeyey dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa meel 18km u jirta magaalada Afmadoow oo ay saldhigyo melleteri ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe. Dadka ku dhaawacmay duqayntaas waxashnimada leh aya loola cararay isbitaalada magaalada Kismaayo si loo daweeyo.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa bishii NOV,2017 waxay xasuuq ba’an ka geysteen gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose halkaas oo ay dad shacab ah ku laayeen waxayna si gaar ah ubeegsanayaan beeraleyda iyo xoola dhaqatada ah.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com