Dhimashada Qarazii Zoobe Waxay Gaartay 358 qof

21/10/2017 10:27

Dowladda Federaalka ayaa markale sheegtay in uu kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxii 8 maalmood ka hor ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.



Cabdi Raxmaan Yariisow oo ku magacaaban wasiirka warfaafinta ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in dhimashadu ay gaartay 358 qof islamarkaana dhaawacu uu kordhay.

"Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, 358 waa dhimasho, 228 dhaawac, 56 maqan" Sidaas waxaa yiri Wasiir Yariisoow.

 

Yariisow ayaa sheegay in 122 ruux loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya, waxaa uu xusay in dhaawacyadii haray 99 ka mid ah ay bogsoodeen, oo dib guryahooda ugu laabtay, halka 7 dhaawac ay wali Isbitaalada ku jiraan.

 



Dhaqaatiirta caafimaadka magaalada Muqdisho ayaa shaki gelinaya tirada dhaawacyada iyo dhimashada ee dowladda Federaalka soo bandhigtay, tusaale ahaan isbuucii lasoo dhaafay ayay dowladdu sheegtay in 276 ay dhimashadu gaartay halka ilaha caafimaadka madaxa banaan ay tirakoobka ku sheegeen 302 qof dhimasho ah.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa umuuqda in musiibadii shacabka rayidka ah kasoo gartay qaraxii Zoobe ay qaab siyaasadeed uga faa’iideysanayaan, siyaasiyiin ku sugan dalka gudahihiisa iyo dibaddiisa ayaa hoggaanka DF-ka ugu baaqay in aan la musuq maasuqin gargaarka dibadda ka yimid ee loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe. 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com