Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu Dilay Xaafadda Xamar Jadiid Ee Magaalada Muqdisho.

20/11/2017 07:47

Xoogag hubeysan ayaa caawa fiidkii magaalada Muqdisho ku dilay ciidamo katirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan 'Xasilinta Caasimadda'.



Wararka ka imaanaya degmada Wardhiigleey ayaa sheegaya in rag hubeysan oo watay gaari ay toogasho kula dhaqaaqeen ciidamo katirsan DF-ka oo xilligaas ilaalo ka hayay xarun ciidan oo kutaal xaafadda Xamar Jadiid.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga weerarka geystay ay dileen 3 askari oo katirsan ciidanka ‘Xasilinta Caasimadda’ iyagoona dhaawac ugeystay sedax askari.

Weerarkan oo ahaa mid si heer sare ah loosoo abaabulay waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.

 



Xalay ayay aheyd markii weeraro loo adeegsado Bambaanooyin lagu qaaday dhowr saldhig oo kuyaal degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com