Ciidamada Al Shabaab Oo Weerar Xoog Ku gal Ah Ku Qabsaday Deegaanka Teed.

01/10/2017 07:56

Kadib Dagaal culus oo saacado badan qaatay ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab ugu suurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan deegaan dhaca duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.



Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay xoogaga Al Shabaab weerar kula jarmaadeen deegaanka Teed oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Xudur waxaana deegaanka Saldhigyo melleteri ku lahaa maleeshiyaad Soomaali ah oo Itoobiya tababartay.

Wariye Cali Yare oo ku sugan Bay iyo Bakool ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in tobaneeyo askari lagu dilay weerarka halka ciidamada Xarakada Al Shabaab ay dagaalka ku qabsadeen saanado hub ah.

 



Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydadka Maleeshiyaadka Soomaalida Itoobiya taabacsan uu daadsanyahay gudaha deegaanka, ciidamada Al Shabaab ayaa hadda maamulaya deegaanka Teedka halka firxadka Maleeshiyaadka maamulka ‘Koonfur Galbeed’ ubaxsadeen dhanka degmada Xudur.

Deegaanka Teeda ayaa ah istiriraatiiji ah wuxuuna kala qeybiyaa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur, sanaddii 2014 markii ay ciidanka Xabashida Itoobiya qabsanayeen Xudur ayuu noqday meesha kaliya ee ay saadka isaga kala gudbiyaan waloow markii Xudur hareereynta lagusoo rogay muhiimaddiisu yaraatay.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com