Ciidamada Al Shabaab oo La Wareegay Deegaanka Buufoow iyo Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Janaale.

10/06/2017 12:41

Kadib dagaallo culus oo maanta barqadii ka dhacay duleedka degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ay kaabayaan ciidamo Mareykan ah. 

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa xaqiijinaya in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan xarakada Al Shabaab ay weeraro xooggan kala hortageen ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda xilli ay isku dayayeen in ay gudaha ugaleen degmada Janaale.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in dagaal culus oo ay barbar socdeen qaraxyo ciidamada AMISOM laga gubay gaari Gaashaaman waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.

 



Dagaal saacad socday kadib ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab usuurta gashay in ay iska caabiyaan cadawga waxayna si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta tuula Buufoow oo hoos tagta magaalada Marka.

Dhanka degmada Afgooye ciidamo Mareykan ah oo gelbinayay cutubyo katirsan AMISOM ayaa saaka weerar ku qaaday deegaanka Bariire waxaana halkaasi ku qabsaday iska hor’imaadyo culus oo ay barbar socdeen qaraxyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka huwanta ah ay gudaha ugaleen Bariire balse laba gaari ayaa laga gubay maleeshiyada Baangaraaf loo yaqaan oo Mareykanku tababaray.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay dib ugu laabteen deegaanka Shalaambood oo markii hore ay kasoo duullaan tageen halka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay shisheeyaha udaba maryeeyeen deegaanka Buufoow.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com