Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Ceel Cadde Ee Gobolka Hiiraan.

30/11/2017 09:18

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta gelinkii dambe ka qarxeen deegaan dhaca duleedka magaalada Beled Weyne. 

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan ciidamada Al Shabaab ayaa weerar dhow jiho ah ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka Liyuu Booliska ku leeyihiin deegaanka Ceelcadde.

Dad Goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al Shabaab oo gaadiidka dagaalka wata ay qabsadeen dhammaan saldhigyadii Liyuu Booliska, deegaanka Ceel Cadde ayaa qiyaastii 70 KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Beled Weyne  ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com