Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Culus Uga Jira Hotelka Naasa Hablood2 Ee Magaalada Muqdisho.

28/10/2017 18:28

 

Waxaa sii xoogeystay dagaal culus oo caawa Maqribkii ka bilaawday gudaha Hoteelka Naasa Hablood2 ee degmada Xamar Weyne islamarkaana kaabiga ku haaya dhismaha Madaxtooyada Villa Somalia. 


Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa xaqiijisay in ciidamo aad u hubeysan ay gudaha Hoteelka ka dagaallamayaan halkaas oo ay ku suganyihiin xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin katirsan DF-ka.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Ku hadasha ayaa sheegtay "ciidamada alshabaab dagaal culus kula jiraan ciidamo dowladda ka tirsan oo gurmad u fidinaya hoteelka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano dowladda ka tirsan.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in xilligii weerarku bilaabanayay ay xildhibaanno iyo saraakiil ku sugnaayeen gudaha Hoteelka balse lamana oga sida xaaladoodu tahay.

 



Hotelka Naasa Hablood2 waxaa milkiyaddiisa leh wasiirka amniga DF-ka Ninka lagu magacaabo Max’med Abuukar Isloow.

Weerarkan ka socda agagaarka Vila Somalia ayaa fashil ku ah qorshihii loogu magac daray ‘Xasilinta Caasimadda’ ee R/wasaare Kheyre uu ku dhawaaqay Afar bilood ka hor. 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com