Bomkii Muqdisho wuxuu ahaa mid aan la is qarxin balse meel fog laga hagay

20/10/2017 13:00

Muqdisho, Qaraxii gilgilay magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen ku dhowaad 300 oo qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen ayay koox baareyaal ahi waxay sheegeen inuu ahaa mid aanu naftii hure isku qarxin balse laga hagay meel fog.

Sida uu qoray wargayska Antwar qaraxaan oo ayna cidina sheegan ayaa ahaa mid uu darawalkii waday baaburka ka degay kadibna daqiiqado kadib meel fog laga qarxiyey iyadoo la adeegsanaqyo qalabka remote contolka looyaqaan.

Qubaradaan ayaa aaminsan in ay ka danbeeyaan qaraxaas koox hab qabiil ama siyaaseed ka duulaysa oo kolay doonaysey aargudasho isla markaana bartilmaameedsatay cid gooni ah oo ay dhibaatada la doonayeen.

isla wargayska Antwar ayaa qoraal uu hore u qoray ku sheegay in weerarku ahaa mid aar gudasho ku salaysan

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com