Bisha Ramadaan oo Curatay iyo Al Shabaab oo Ku Dhawaaqday in Berri Ay Tahay Maalin Soon.

26/05/2017 17:53

Gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee hoos taga maamulka Alshabaab ayaa laga arkay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, sidaas darteed ayay Xarakada Alshabaab ku dhawaaqeen in ay beri , Sabtida, 27.05.2017, tahay bilawgii bisha Ramadaan.

Sidoo kale dalalka Islaamka qaarkood sida dalalka Khaliijka ayaa iyaguna shaaciyey in ay beri tahay maalin soon.  

Meelaha Bisha Ramadaan laga arkay waxaa kamid ah deegaanda Ceel-warre, Mukaylle, Qoob-yaxaas,Shaaw  oo dhammaantood kawada tursan gobolka Hiiraan sidoo kale waxaa bisha Ramadan laga arkay deegaano hoos yimaad degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com