Baarlamaanka DF-ka Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Dhiibistii Qalbi Dhagax iyo Guddi War Soo Saaray.

19/11/2017 07:30

Kadib kulan ballaaran oo xildhibaanada Baarlamaanka DFS ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay uga dodeen dhiibistii Qalbi dhagax oo bishii Agoosto ee lasoo dhaafay loo dhiibay Xabashida Itoobiya.

 

Kulanka oo ahaa mid warbixin looga dhageysanayay guddi qaabilsanaa dabagalka dhiibistii Qalbidhagax ayaa ugu dambeyntii ka dooday islamarkaana ansixiyay in arrintaas aysan waafaqsaneyn dastuurka u degsan dowladda Federaalka.

Baarlamaanka  ayaa isku raacay in ay sharci darro ahayd dhiibista Cabdi kariin Sh. Muuse Qalbidhagax. Nuxurka natiijada warbixin ay soo diyaariyeen Guddi loo xilsaaray Kiiskii Qalbidhagax ayaa noqtay:-.

 
1. In aan wax sharci ah loo cuskan, wado sharcina loo marin dhiibista Qalbidhagax.
 

 
2. In heshiiskii ay Golaha Wasiirada u cuskadeen dhiibista Qalbidhagax uu ahaa mid lagu xalinayey xaalad amni ee u dhaxaysa maamuladda Galmudug iyo Kilinka, wax xiriir ahna uusan la lahayn Maxaabiis isku celin.
 
3. In ONLF aysan ahayn urur Argagexiso.
 
Cod loo qaaday warbixinta ayaa waxaa taageeray 152, halka ay diideen 6 diiday, 3 na ay ka aamuseen.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in mudadii uu baaritaanku socday kulamo lala yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo madaxda hay’adaha Nabadgelyadda, kuwaasoo cod maqal iyo muuqaalba leh laga qaaday, Dhamaan masuuliyiintii lala kulmay ayaa sheegay in aysan waxba ka ogayn, talo ku lahayn go’aanka lagu dhiibay Qalbidhagax.
 
Warbixinta guddiga kasoo baxday ayaa Mas'uuliyadda loogu saaray Hoggaanka dowladda Federaalka gaar ahaan taliyihii hore ee Nabad sugidda Sanbaloolshe waxaana dhici karta in Sanbaloolshe maalmaha soo socda uu bixiyo sir ku aaddan cidda dhiibtay Qalbi dhagax waxaana dhici karta in Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo ay halkaasi fadeexadi kasoo raacdo.

Hoos Ka Akhriya Nuqullo kamid ah warkii kasoo baxay guddigii loo saaray dagabagalka Kiiska Qalbidhagax.
 
 
 
 
 
 
 

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com