Askari katirsan Dowladda oo isku soo dhiibay Maamulka Islaamiga ee Jubbooyinka.

17/08/2017 05:37

Maamulka Wilaayada Islaamiga ee Jubbooyinka ayaa waxaa isku soo dhiibay Askari la shaqeynayay ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Askariga isa soo dhiibay oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Ciise Maxamed ayaa waxa uu watay Qori AK47 ah, waxaana lagu soo bandhigay xarunta maamulka Islaamiga ee magaalada Jilib.

Askariga ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu isaga soo baxay safka Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya, isagoona sheegay inuu dhexda ka raaci doona shacabkiisa Muslimka ah.

Waxaa aad usoo badanayay maalmahan dambe Askarta katirsan maamulka Axmed Madoobe ee isku soo dhiibeysa maamulka Islaamiga ee Jubbooyinka.

Dhawaan ayayna ahayd markii Sarkaal sare oo katirsanaa maamulkan iyo rag istaaf u ahaa ay isku soo dhiibeen Alshabaab, kuwaas oo lasoo baxsaday Qalab Milliteri oo aad u farabadan.

Dhinaca kale Abu Mansuur oo hore uga tirsanaa hoggaanka Alshabaab ayaa isna dhowaan isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya isagoo qabtay shir jaraa'id oo uu ku sheegay inuu iskaga baxay ururkaasi.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com