Alshabaab oo beenisay in la weeraray degmada Jilib

11/11/2017 20:05

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu beeniyay sheegasho been abuur ah oo kasoo yeertay mid kamida wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ah wasiirka warfaafinta ayaa maanta sheegay in howlgal ay ciidamadoodu ka sameeyeen gudaha degmada Jilib ay ku burburiyeen xarumo ciidan oo Al Shabaab laheed islamarkaana ay ku dileen ugu yaraan 81 dagaalyahan!.

Mas’uul katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa beeniyay warka kasoo yeeray DF-ka wuxuuna wax lalayaabo ku tilmaamay sida kooxda Villa Somalia ay ugu dhiiranayso been qayaxan.

"Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka cadowga ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Mujaahidiintu leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo uu fuliyey cadowga" Ayuu yiri Sheykh Abuu Muscab.

 



 

Afhayeenka ciidanka Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federalka ay arintan ku duugeyso guuldarooyinka Military iyo kuwa siyaasadeed ee ay wajaheysay dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey iyo wejigabaxa uu farmaajo kala soo kulmay dowladaha deriska ee uu ka dalbaday in lagu taageero duullaanada Mujaahidiinta.
 
"Waa qorshe lagu doonayo in lagu duugo guuldarooyinkii ugu dambeeyey ee soo gaaray kooxda sida fashilka xagga amniga ee ka jira caasimada oo banaanka yimid wixii ka dambeeyey weerarki NaasaHablood, iyo niyadjabka uu Farmaajo kala soo kulmay dowladaha gobolka ee uu ka codsaday in lagu taageero la dagaalanka Mujaahidiinta" ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
 
Dhinaca kale Shabakada SomaliMeMo oo xariiro la sameysay dad ku sugan magaalada Jilib ayaa loo xaqiijiyay in haba yaraatee wax duqeyn iyo qarax ah aysan magalada ka dhicin "Haba yaraatee wax qarax ah ama duqeyn ah kama dhicin magaaladan Jilib, nabad ayaan kusoo toosnay nabad ayaanan ku shaqeysanaynaa runtii waa wax lalayaabo hadallada ay kuwa madax sheeganaya warbaahinta ka sheegayaan" sidaas waxaa yiri goob jooge Jilib ku sugan.

Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ah wasiir sumcad xun ku  dhax leh bulshada ayaa bartiisa Facebook-ga ku faafiyay war dad badan su'aal ka keeneen oo ahaa in wax uu ugu yeeray Laamaha amniga ay howlgal ka fuliyeen Jilib.
Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com