Al Shabaab oo Weerar Hor leh Ku Qaaday Deegaan Dhacay Duleedka Magaalada Gaarisa.

13/05/2017 11:03

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar xooggan ku qaaday deegaan ku dhow magaalada Gaarisa. 

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta halka loo yaqaan Amuma location waxaana jira khasaara ka dhashay weerarkaasi.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerar xooggan lagusoo qaaday deegaan hoos yimaad magaalada Gaarisa.

 



Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa baahisay in weerar agabyo kala duwan looga gubay dowladda Kenya uu ka dhacay Amuma oo xilligaas ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan booliska Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay gubeen dhismayaal ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee laga leedahay dalka Kenya.

Illaa iyo hadda war rasmi ah kamasoo bixin dowladda kenya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan cusub ee ka dhacay duleedka Magaalada Gaarisa.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com