Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaano Hoos Yimaad Degmada Balcad iyo Weeraro Ka Dhacay Muqdisho.

17/11/2017 10:59

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe gaar ahaan duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ay la wareegeen dhowr deegaan.


 
Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa si nabad gelya ah kula wareegay deegaanka Geed Faqay oo qiyaastii 10KM ujira degmada Balcad, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiil katirsan ciidanka Al Shabaab ayaa goob fagaara ah uga khudbeeyeen shacabka.
 
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay isku fidiyeen tuulooyin dhowr ah oo degmada Balcad uga beeggan dhanka Sh/hoose taas oo ka dhigan in Shabaabku ay ka gudbeen Basra iyo Jambaluul ayna ku dhowyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha.
 

 
Dhinaca kale Weeraro xooggan ayaa caawa ka dhacay dhowr degmo oo katirsan magaalada Muqdisho halkaas oo lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa loo yaqaann'Xasilinta Caasimadda'.
 
Weerar toos ah oo loo adeegsaday garneelada garabaha iyo hubka boobayaasha ayaa lagu qaaday fariisin maleeshiyaatka PS-ta ku leeyihiin xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.
 
Afar qarax oo bam gacmeedyo ah ayaa lagu weeraray saldhigyo kuyaa; magaalada Muqdisho. Laba ka mid ah waxaa lagu weeraray xarunta degmada Yaaqshiid, Midna laanta Suuq-Bacaad, midka afaraadna fariisin ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanka barwaaqo ee degmadaDeyniile.
 
dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa caawa maqribkii degmada Huriwaa ku dilay mid kamida saraakiisha maamulka gobolka Banaadir. Nuur Max'med Oo Afeey ku magac dheeraa ayaa lagu dilay isla degmada Huriwaa waxaana la sheegay in raggii weerarka geystay ay ka qaateen Bastoolado uu watay sarkaalka.
Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com