Al-Shabaab oo iska fogeysay inuu wax xiriir ah lalahaa Qalbi Dhagax.

06/09/2017 18:50

Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin ayaa iska fogeysay war kasoo baxaya Dowlada Farmaajo kaas oo lagu sheegay in Sarkaalkii jabhada ONLF ee dhawaan loo gacangeliyay dowlada Itoobiya uu xiriir la lalahaa Xarakada Al-Shabaab.

 
 
War qoraal ah oo kaso baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay heshay Shabakada Wararka SomaliMeMo ayaa lagu yiri sidan " Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag iskaga fogeynayaan hadal kasoo yeeray kooxda ridada ah ee Farmaajo, kaas oo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse "Qalbidhagax" kana tirsan jabhada ONLF uu iskaashi la lahaa Al-Shabaab".

 
Al Shabaab waxay sheegtay in haba yaraatee wax xiriir ah aysan lalaheyn C/kariim Sheekh Muuse oo Qalbi dhagax ku magac dheeraa.

War saxaafadeedka Al-Shabaab ayaa waxaa uu intaas kusii daraya " Ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Xarakada Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo kooxda ridada ah ee Farjaamo ay ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay ku keceen ee ahaa inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen Itoobiya, iyadoo wax badan bulshada Soomaaliyeed lagu marin habaabin jiray in Farmaajo uu yahay shakhsi wadani ah kana soo horjeeda siyaasada Itoobiya, Waxaa bulshada Soomaaliyeed dhamaanteed u caddaatay in Farmaajo uu yahay dabadhilifka ugu xun ee Itoobiya, danaheedana u adeega, uuna kasii liito kuwii isaga kasii horeeyay sida Shariif Murtad iyo Xasan Sheekh" .

 
Warka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Dowlada Farjaamo iyo Khayre ay dowlada Itoobiya u dhiibeen sarkaal ka tirsanaa Jabhada ONLF oo ku noolaa Soomaaliya, taas oo dadka dib usoo xusuusisay hogaamiye kooxeedyadii dadka Itoobiya ay doon-doonayso Soomaaliya ka afduubi jiray ee Adis Ababa u dhiibi jiray.

Maamulka hadda ka jira Villa Somalia ayaa taariikhda baal madoow ka galay wuxuuna ku faanayaa in uu dowladda Itoobiya ugacan gelinyo dadka Itoobiyaanka kasoo horjeedo, sidoo kale waa markii ugu horraysay oo nidaam soomaaliya kajira uu caddeysto in gudaha dalka ka difaacayo Xabashida Itoobiya oo la ogyahay cadaawadda soo jireenka ah ee ay uqabto shacabka Soomaaliyeed.
Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com