Al Shabaab Oo iska Caabisay Duullaan Uga Yimid Ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

14/11/2017 10:46

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo qaraxyo ay barbar socdeen kuwaasi oo ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Sh/Hoose. 

Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen duleedka deegaanka, dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah oo dhaq dhaqaaq melleteri weday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen wadada laamiga ah, laba qarax ayaa la sheegay in lagu beegsaday ciidamada huwanta ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

 



Saacado dagaallo socdeen kadib ayay ciidamada huwanta ah dib ugu laabteen Buula Guduud, warar laga helay Kismaayo ayaa sheegaya in Meydadka Afar askari lageeyay xaafadda Calanleey halka dhaawacyada 11 askari ladhigay isbitaalka weyn ee xarunta Jubbada Hoose.

Ma ahan markii ugu horraysay ee Al Shabaab iska caabiso duullaan uga yimid ciidamo Mareykan ah iyo Maleeshiyaadka Maamulka dabadhilifka 'Jubbaland' isku magacaabay.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com