Al Shabaab oo dishay sadex askari baabuur ciidana gubtay

01/12/2017 13:17

Ugu yaraan sadex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dagaal xoogani ka dhex qarxay ciidamada Alshabaab iyo kuwa dawladda agagaarka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo muddo saacadaha socday ayaa yimid kadib markii ay Alshabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo siday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya kuwaas oo ka amba baxday Matabaan kunasii jeeday magaalada Beled Weyne.
Ciidamada Dowladda ayaa goobtii dagsaalku ka dhacay uga tegey sadex askari oo ka dhintay iyo baabuur looga gubay. Hugunka rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com