Al Shabaab oo 4 Gaari ka Qabsatay dowladda Kenya Weerar Ka Dhacay Deegaanno Xuduudda Kulaala.

09/08/2017 05:56

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadma ah oo shalay ka dhacay deegaanno dhaca xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.  

 
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in howlgal ka dhacay xadbeenaadka ay wadaagaan Gobollada Jubbooyinka iyo dhulka soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ay ciidamadeedu gacanta kusoo dhigeen 4 gaari oo laheyd dowladda Kenya iyo dadkii lasocday.

 

Gaadiidka laqabtay ayaa kusoo dhawaaday Kulbiyoow halkaas oo ay ka daabulayeen dad ka qeyb qaadan lahaa doorashoonka Kenya ka socda
 
Al Shabaab ayaa xaqiijisay in gaadiidka ay gacanta ku dhigtay uu lahaa guddiga doorashooyinka Kenya islamarkaana lagu daabulayay xilligaas dad ka qeyb qaadan lahaa cobixinta maanta Kenya ka bilaabatay.
 
Howlgallada lagusoo qabtay Gaadiidkan ay laheyd dowladda Kenya ayaa ka dhacay deegaanno ay ka mid yihiin Haluuqa

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com