Abuu Mansuur Oo Magaalada Xudur Gaaray iyo Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Soo Dhaweeyay

30/11/2017 09:14

Mukhtaar Rooboow oo Abuu Mansuur ku magac dheer ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool kulamo kula leh saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka DF-ka.

Wararka ka imaanaya magaalada ayaa sheegaya in Abuu Mansuur oo 13-kii August 2017 isku dhiibay Dowladda Itoobiya uu diyaarad gaar ah ku tagay Xudur waxaana soo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka Itoobiya iyo Max’med Cabdil Tool oo ku magacaaban guddoomiyaha Bakool.

Socdaalka Abuu Mansuur waxaa ku wehliyay xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee G/dhigga Dowladda Federaalka C/Rashiid Maxamed iyo saraakiil kale oo katirsan sirdoonka.

Illaa iyo hadda DF-ka war kamasoo saarin ujeedka socdaalka Mukhtaar Rooboow uu ku tagay magaalada Xudur balse Xasan Cali Kheyre ayaa bilo ka hor sheegay in Roobow ay u adeegsan doonaan ladagaallanka Al Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa bishii Augst isagoo tacliiqinayay qaraxii Zoobe ka dhacay wuxuu ku baaqay in cid walba loo kaashado ladagaallanka Xarakada Al Shabaab arrinkaas oo loo fahmay in Rooboow uu isku diyaarinayo hoggaaminta dagaal hor leh oo alshabaab ka dhan ah.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com