8 Qof Mareykan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Gaari Jiirsiin Ah oo Ka Dhacay Magaalada New York.

01/11/2017 08:23

 

الشاحنة التي استخدمت في الهجوم

 

Ugu yaraan 8 qof American ah ayaa dhimatay 12 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah oo ka dhacay magaalada 2-aad ee ugu weyn wadanka Mareykanka. 

Wararka ka imaanaya magaalada New York ayaa sheegaya in qof muslim ah oo kaxaynayay gaari xamuul ah weerar ku qaaday dad American  ah oo xilligaas ku socdaalayay xaafadda Maashquulka badan ee Manhattan.

Taliyaha Booliska magaalada New York ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan uu fuliyay Nin muslim 29 sana jir ah oo lagu magacaabo Seyfullah Siapov kaasi oo Mareykanka soo galay sanaddii 2010 wuxuuna kasoo jeeda dalka Ozpakistan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay uu gaarigiisa ku dhuftay Bas arday usiday iskuul kadibna wuxuu gaarigu beegsaday waddo lagu wado mootooyinka iyo baaskiillada, gaariga oo madabkiisu cadyahay ku eryaday dad marayay wadada.

 



Dhimashadu waxay sii caga cageynaysaa 8 qof halka 12 qof oo dhaawacyo halis ah qaba loola cararay isbitaalka.

Bill de Blasio oo ah duqa magaalada New York ayaa war uu soo saaray ku sheegay in weerarkan uu yahay ‘Fal Argagaxiso’ isagoo booliska ugu baaqay in ay galaan xaalad feejignaan ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Muslimka weerarka fuliyay uu watay bastoolad iyo qori nuuca darandoorriga udhaca ah, ciidamo katirsan Booliska Mareykanka ayaa toogtay Seyfullaah oo ku qeylinayay Allaahu Akbar,Allaahu Akbar.

Booliska Mareykanka ayaa weerarkan ku calaamadeeyay in uu yahay mid ‘Argagaxiso’ maadaama uu fuliyay qof muslim ah, halka weerarkii La Vegas ee bil ka hor dhacay aan loogu yeerin fal ‘Argagaxiso’ sababtoo ah waxaa fuliyay qof Nasraani/Kirishtan ah taas oo ka dhigan in Mareykanka qof walba oo muslim ah uu ka aaminsanyahay Argagaxiso.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Seyfullah Siapov uu sanadadii dambe ku noolaa gobolka Florida ee isla wadanka Mareykanka. 

Donald Trump oo qorraallo ku faafiyay bartiisa Twitter-ka ayaa isna sheegay in weerarkan uu sare uqaadayo feejignaanta dhanka ammaanka ah isagoo qiil uga dhigay awaamiirtiisi hore ee Mareykanka in ay soo galaan ka mamnuucaysay muwaadiniinta kasoo jeeda qaar kamid ah wadamada caalamka islaamka.

 

حادث نيويورك

سيارات شرطة وأسعاف في موقع الحادث

 

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com