10 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaalladii Ka Dhacay Deegaanka Haanta Dheer Ee Magaalada Muqdisho.

17/09/2017 10:32

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta ka dhacay galbeedka magaalada Muqdisho dagaalladaas oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka.



Dagaalka oo bilaawday saaka aroortii hore ayaa soo gaaray maanta duhurkii waxaana ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah.

Ugu yaraan 8 qof oo ubadan shacab ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka oo ka dhacay xaafadaha Soona Kay iyo Haanta dheer, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 9 qof oo dhaawacyo shacab ah ladhigay isbitaalka Madiina halka 2 kamid ah dhaawacyada ay gudaha isbitaalka ku geeriyoodeen.

 



Dadka dhintay waxaa kamid ah taliyihii hoggaaminayay ciidamada Nabad Sugidda dowladda Federaalka iyo 3 katirsan ciidamada melleteriga sida ay wararku sheegayaan, wararka qaar ayaa khasaaraha dhimashada gaarsiinaya illaa 11 qof oo ay kamid yihiin ciidamo melleteri ah.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in maleeshiyaadka Nabad sugidda oo daacad u ahaa Sanbaloolshe ay ku guul darreysteen in ay la wareegaan dhulkii lagu dagaallamay,xeradii difaaca cirka 77 iyo dhismayaal kale oo dad shacab ah deganyihiin ayay Nabad sugiddu doonaysay in ay qabsadaan balse ciidamo Melleteri ah ayaa la sheegay in ay uhareen gacan ku heynta dhulkii lagu dagaallamay.

Qaar katirsan waxgaradka deegaanka Haanta dheer ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii maanta lagasoo abaabul Villa Somalia islamarkaana qorshaha laga leeyahay uu ahaa barakicinta qabiil gaar ah sida ay hadalka u dhigeen.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved. durgube@msn.com